Dowladda Shiinaha oo Ciidamo & Maraakiib dagaal usoo dirtay Xeebaha Soomaaliya

Bulsha:-  Ciidamada badda Shiinaha oo wata Maraakiibta wax burburiya ee kala ah Suzhou iyo markab lagu magacaabo Nantong ayaa howlgalkoodii ugu horreeyay ee galbineed ka bilaabay gacanka cadmeed iyo biyaha Soomaaliya.

Maraakiibtaan ayaa waxaa la socda guutooyinkii 41-aad ee Ciidanka Badda oo ka soo ambabaxay Zhoushan, ee bariga gobolka Zhejiang ee Shiinaha, Arbacadii, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Taliska Bari e Ciidamada Badda Shiinaha.

Kooxda Ciidan ayaa ka kooban Suzhou, oo ah nooca aadka loo tababaray ee wata gantaalaha wax burburiya, gantaalaha la hagayo ee Nantong, iyo markabka saadka ee Chaohu, oo ay saaran yihiin laba helikobtar iyo tobaneeyo askari oo hawlgal gaar ah fulinaya, ayaa lagu yidhi bayaanka.

Ciidamadan ayaa sameeyay dhoolatusyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen baadi goobka iyo samata bixinta wadajirka ah, la dagaalanka argagaxisada iyo burcad badeedda, iyo badbaadinta maraakiibta ganacsi ee la afduubtay.

Ciidanka badda Shiinaha ayaa bilaabay hawlgallada ay kusoo gaarayaan Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya Bishii Diisambar ee sanadkii 2008, iyaga oo ujeedkuudu yahay la dagaalanka burcadbadeedda.


Xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxa ku sugan Maraakiib aad u farabadan oo Shisheeye, kuwaas oo u yimid inay la dagaalamaan Burcad Baddeeda Soomaalida walow ay sii yaraanayaan, hayeeshee waxaa maraakiibtaas lagu eedeeyaa inay kalluumeysi sharci darro ah ka wadaan Biyaha Soomaaliya










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment