dowlada Iran Oo Laba Jibaaraysa Wax soo Saarka Saliidda Dunida Ay U Dhoofiso

Bulsha:- Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay dalka Iraan Ebrahim Raisi, ayaa sheegay in dalkiisa uu kordhin doono saliidda ceyriinka ah ee dibadda uu u dhoofiyo marka la gaaro bisha August oo uu la wareegayo talada dalka.

Raisi ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay sara u qaadista saliidda cayriinka ah ee uu dibadda u iib geeyo, xilli Tehran ay saaran tahay cunaqabataynta maraykanka.

Madaxweyne Raisi ayaa hadalkaan ka sheegay mar uu waraysi uu siinayay talafishinka dowladda Iran, waxana madaxweynaha uu balan qaaday in dalkiisa uu ka faa’idaysan doono hoos u dhaca saliidda ee suuqyada caalamka.

Suuqyada caalamiga ah ee dunida ayaa wajahaya hoos u dhaca balaaran oo ku saabsan cadadka saliidda cayriinka ah ee caalamka kadib markii maraykanka iyo reer galbeedka ay cunaqabatenyno dusha ka sureen dalka Ruushka.

Ruushka ayaa inta badan soo saara saliidda cayriinka ee dunida iyo yurub loo iibgeeyo, waxaana dhamaan ruushka uu jaray saliidda dunida uu siiyo kadib markii reer galbeedka cunaqabatayn ku soo rogeen xukuumadda Moscow.


Cunaqabataynta ruushka lagu soo rogay ayaa timid kadib markii Moscow ay duullaan ku qaadday Kyiv bishii February dhanmaadkeedii.

Tehraan ayaa u muuqata mid dooneysa in ay ka faa’ideysato isku dhaca dalalka reer galbeedka si ay saliideeda suuq ugu hesho.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment