Axmed Karaash oo wasiirro cusub u magcaabay wasaaradihii ugu awoodda badnaa Puntland

Bulsha:-  Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa magcaabay xubno ka mida golaha wasiirada ee Puntland oo ay ku jiraan wasiirada ugu miisaanka culus.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash oo lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee uu Facebook ku leeyahay, ayaa lagu sheegay in xilka wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyadda loo magcaabay Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo), halka wasiirka amnigana loo magcaabay Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin), sidoo Cabdirisaaq Mire Xassan (Gaawiido) ayaa loo magcaabay wasiirka maaliyadda.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa hore u sameeyey magcaabis kala duwan hase ahaatee waxaa arrintaas ka hor yimi madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sheegay sharci-darro, isaga oo madaxweyne Deni uu amray inaan la dhaqan gelin wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka Puntland, wuxuuna hay'adaha dawladda ku amray inay shaqadooda sii wataan.


Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa haatan ku sugan magaalada Muqdisho halkaas oo uu ka wado ololaha uu ugu jiro inuu u tartamo kursiga madaxweynaha Soomaaliya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment