Sudan oo ku hanjabtay in ay 'ceyrineyso' wakiilka gaarka ah ee QM

Bulsha:- Hogaamiyaha Militariga ee Sudan General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa ku hanjabay in uu dalka ka eryi doono wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay, oo uu ku eedeeyay in uu ka tallaabsaday shaqadii loo igmaday.

“Waxa aan maalin dhoweyd maqalnay aflagaadadiisa, isagoo been sheegaya, oo si cad u been sheegaya,” ayuu Burhaan ku yiri khudbad uu Jimcihii ka jeediyay xaflad qalin-jebin ah.

“Haddii aad ka tallaabsato howsha laguu xilsaaray, waan kaa ceyrin doonaa Sudan.”

Hadalkan ayaa imaanaya maalmo uun ka dib markii wakiilka Qaramada Midoobay Volker Perthes uu golaha ammaanka warbixin ka siiyay dadaallada ka socda Suudaan, halkaasi oo uu soo hadal qaaday jahwareerka dhaqaale ee dalka, rabshadaha ka dhanka ah dibad-baxayaasha iyo mudnaanta kala guurka lagu gaarayo doorasho.

“Waxa aan ku leennahay shaqqa gaar ah baad haysaa, waxaan kugu niri waan u furannahay in aad nala hadasho, laakiin in aad been sheegto oo aad isku daydo in aad maamusho dadka Suudaan, waanu kaa saaraynaa,” dalka, ayuu yiri Burhan oo hoggaaminayay afgenbigii militariga.


Hawlgalka Perthes waxaa ka mid ah la tashiyo isdaba joog ah oo ujeedkuna yahay in la gaaro xal siyaasadeed ka dib markii militariga ay xukunka la wareegeen bishii October taasi oo soo afjartay awood-qeybsigii kala dhexeeyay xukuumaddii rayidka aheyd.

REUTERS










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment