Sharci-dejiyayaasha Pakistan oo doortay ra’iisul wasaare cusub

Bulsha:-  Sharci-dejiyayaasha Pakistan ayaa maanta u doortay Shehbaz Sharif inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub kadib markii Axaddii xilka laga tuuray Imran Khan oo iska casilay kursigiisa golaha qaranka — isaga iyo inta badan xubnaha xisbigiisa — kahor codeynta.

Khan ayaa xilka laga qaaday Axaddii kadib markii uu lumiyey codka kalsoonida, taasi oo dhabbaha u xaartay isbaheysi lama filaan ah oo hadda wajahaya caqabado la mid ah kuwii la degay Khan.

Sharif, oo hoggaamiya xisbiga Pakistan Muslim League-N (PML-N), ayaa ahaa musharaxa kaliya kadib markii wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Shah Mahmood Qureshi oo daacad u ah Khan uu ka laabtay musharaxnimadiisa iskana casilay kursigiisa.

“Waa guul usoo hoyatay wanaagga, xumaantana waa laga guuleystay,” ayuu yiri Sharif oo la hadlay sharci-dejiyayaasha.

Xisbiga Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ayaa 155 sharci-dejiye ku lahaa baarlamanka ka kooban 342-ka kursi kahor inta aanay badankood is-casilin, waxaana Shariif lagu doortay 174 cod.

Shaqada ugu horrreysa ee Sharif ayaa noqon doonta inuu soo dhiso gole wasiir oo ay xubno badan ka heli doona axisbiga siyaasadda midig-dhexe ee PPP iyo kan midigta ee Jamiat-ulema-e-Islam-F (JUI-F), oo xulufo la ah xisbigiisa.




PPP iyo PML-N ayaa sanado badan ahaa labada xisbi ee ugu awoodda badan Pakistan ayaga oo iska soo horjeeda, hase yeeshee isbaheysigooda cusub ayaa la filayaa inuu kala furmo kahor doorashada xigta oo ay qasab tahay in la qabto kahor October 2023.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment