Nin lagu eedaynayo Sirdoonka Pakistan oo iska dhigay baare Maraykan ah oo xiriir la sameeyey Ilaalada Aqalka Cad

Bulsha:-  Laba nin oo lagu xidhay Washignton DC ayaa lagu eedeeyey inay iska dhigeen saraakiil ka tirsan waaxda amniga gudaha Maraykanka, si ay xog uga helaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaalada Aqalka cad ee Maraykanka ee loo yaqaano Secret Service, ciidankaas oo ah kan ilaaliya madaxweyne Joe Biden iyo madaxda kale ee Maraykanka.

Dacwad-oogaha gacanta ku haya kiiskan ayaa sheegay in mid ka mida labada nin ee la xidhay uu si gaar ah xidhiidh ula leeyahay hay'adda sirdoonka ee dalka Pakistan ee loo yaqaano ISI.

Kaaliyaha Xeer-ilaaliyaha Joshua Rothstein ayaa weydiistay garsooraha maxkamadda dacwaddani ka socoto, inaan la sii dayn Arian Taherzadeh oo 40 jir ah iyo Haider Ali oo 35 jir ah, iyada oo lagu eedaynayo labadan nin inay iska dhigeen baadhayaal ka tirsan waaxda amniga gudaha ee Maraykanka.

Labadan nin ee la xidhay ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay siiyeen hadyado qaali ah iyo alaabooyin kale, xubno ka tirsan ciidanka ilaalada aqalka cad ee Secret Service-ka, waxaana saraakiisha ay xidhiidhka la sameeyeen ku jiray mid ka mida saraakiisha u xilsaaran ammaanka marwada koowaad ee Jill Biden.

Xeer-ilaaliye Rothstein ayaa maxkamada u sheegay in sanadkii 2019, bilo ka hor intii aanay nimankani bilaabin ka dhex ugaadhsiga saraakiisha Maraykanka ee u shaqaysa laamaha ammaanka, inuu Cali u safray Pakistan, Turkey, Iran iyo Qatar, uuna u gudbay Doha dhowr jeer oo is xig-xigay. Waxaana Xeer-ilaaliyuhu sheegay in Cali uu u sheegay markhaatiyada inuu xidhiidh la leeyahay hay’adda sirdoonka ee dalka Pakistan ee loo soo gaadhiyo ISI.

Waxaa shaqada laga joojiyey afar sarkaal oo ka tirsan ciidanka ilaalada aqalka cad, kuwaas oo loo tuhmayo inay xidhiidh la sameeyeen nimankan.

Sida ku cad qoraal loo gudbiyey maxkamadda, Cali iyo Taherzadeh oo haysta dhalashada Maraykanka, waxay ku noolaayeen guri dabaq ah oo ku yaalla Washington DC, halkaas oo ay sidoo kale deggan yihiin shaqaale kala duwan oo u shaqeeya laamaha ammaanka Maraykanka.

Nimankan la xidhay ayaa ku qanciyey saraakiisha ka tirsan ciidanka Secret Service-ka, inay yihiin baadhayaal ka tirsan waaxda amniga gudaha, iyaga oo tusay, dharka ciidamadu xidhaan iyo waraaqo taageeraya sheegashadooda.

Illaa haatan ma cadda sababta labadan nin ku kelliftay inay tallaabadan qaadaan, inkasta oo xogaha la helayo ay sheegayaan inay jirtay hal mar oo ay qorteen qof saddexaad oo iyaga u shaqeeya, ayna u xilsaareen "inuu cilmi-baadhis ku sameeyo shakhsi taageero siiya Wasaaradda Difaaca iyo hay’adaha sirdoonka Maraykanka."


Dhanka kale Taherzadeh ayaa qaar ka mida ciidanka ilaalada aqalka cad ka dhaafay lacagta kirada oo gaadhaysay illaa $4,000 bishii, sida ku cad qoraalka maxkamadda loo gudbiyey, isagoo sidoo kale siiyey telefoono qaali ah, qalabka wax lagu kor-joogteeyo, telefishan, iyo agab kale oo kala duwan.

Taherzadeh ayaa sarkaalka ka tirsan ciidanka qaabilsan ilaalada gaar ah ee marwada koowaad, wuxuu siiyey qori Rifle ah oo qiimihiisu gaadhayo illaa $2000, isagoo wanaag badan u sameeyey xaaskiisa sida inuu gaadhigiisa u dhiibo markay u baahato iwm.

Warqadda dhaarta ayaa lagu sheegay in Taherzadeh iyo Cali inay u muuqdeen kuwo gacanta ku haya dhowr qeybood oo ka tirsan dhismaha guriga, iyo in Taherzadeh uu marin u helay dhammaan nidaamka ammaanka ee dhismaha.

AFP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment