Miinooyin markii saddexaad lagu aasay biyaha badda madow ee Turkiga

Bulsha:- ANKARA -Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in kooxaha biyaha quusa ee milateriga dalkaasi inay si nabad ah u qarxiyeen miino sabbaynaysay biyaha badda madow, taasoo ah miinadii saddexaad ee laga helo biyaha badda madow tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Ukraine.

Dalalka Ukraine iyo Ruushka ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu miino ku aasayo badda madow. dabayaaqadii bishii March ayay ahayd markii kooxaha biyaha hoostooda quusa ee dalalka Turkiga iyo Romania ay furfureen miinooyin lagu daadiyey biyaha badda.

Turkiga oo xubin ka ah NATO ayaa xuduud la leh Badda Madow, si la mid ah Ruushka iyo Ukrain, waxaa sidoo kale ku teedsan biyaha badda madow dalalka ay ka midka yihiin Bulgaria, Romania iyo Georgia.

Badda Madow waxay isku xidhaa biyaha gacanka Marmara iyo badda Mediterranean-ka, iyadoo sii marta marinka muhiimka ah Bosphorus, oo dhex mara wadnaha magaalo ganacsiyeedka Istanbul, oo ah magaalada ugu weyn Turkiga oo ay ku nool yihiin 16 milyan.

Miinooyinkan lagu daadinayo marinkan muhiimka ah ayaa waxay khatar ku yihiin maraakiibta isticmaala marinka Bosphorus waxayna sababi karaan waxyeelo haddii ay maraakiibtu dul marto miinooyinka, gaar ahaan maraakiibta sidda saliidda ceydhiin.


Saraakiisha ku xeeldheer dhinaca baduhu waxay sheegayaan in khatarta ka iman karta miinooyinka sabbaynaya ee la dhigayo marinka weyn ee maraakiibtu ay ka galaan Badda Madow ay sii kordhinayso khataraha maraakiibta ganacsiga ee gobolka, dawladuhuna waa inay xaqiijiyaan marin nabdoon si silsiladaha sahaydu u socdaan.

Reuters










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment