Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo weerar afka ah ku qaaday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Bulsha:-  Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa ku eedeeyay Raiisul wasaaraha Soomaaliya in uu beegsaday maamulkiisa.

Wuxuu sheegay in Raisulwasaaraha uu ku rakaataynayo in kursi xildhibaanimo uu siiyo qof “gurigiisa ka shaqeeya”, isaga oo intaa raaciyay “kuwii kale ee gurigaaga ka shaqaynayay ee Gaalkacayo iyo meelaha kale kuraasta looga soo diiday maxaad isbaaro ugu dhigan weysay “.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo si qayaxan u hadlay ayaa shir la lahaa xubnaha labada gole ee dhowaan laga soo doortay Baydhabo iyo Baraawe.

Seddex xubnood oo laga soo doortay K/Galbeed ayay guddiga doorashada Heer Federaal sheegeen in ay tahay in lagu celiyo doorashadooda, iyada oo habeen ka hor goaankaasi uu warbaahinta isla goaankaasi kasii shaaciyay xubin ka mid ah Golaha Wasiiradda.


Dowlad Goboleedka Hirshabeele oo isna hal xildhibaan laga reebay ayaa ka hortimid goaanka guddiga FIET.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment