ATMIS oo qaaday talaabo lagu baajinayo dhaarinta xildhibaanada ee 14-ka April.

Bulsha:- Taliska ATMIS ayaa ku dhawaaqay iney qaadayaan talaabo ay ku xirayaan xerada Xalane inta u dhexeysa 10-ka illaa 16-ka bishan April, sababta waxey ku sheegeen iney sameynayaan baaritaano culus oo gudaha xeradan ah.

Qoraal ka soo baxay ATMIS oo loo diray safaaradaha caalamka ee Soomaaliya ayaa lagu joojinayaa dhammaan shaqooyinkii dhismaha ee ka socday xarunta,waxaa la xiri doono dukaamada iyo goobaha ganacsi ee Soomaalida iyo kuwa caalamiga ah, waxaa kaloo la xiri doonaa goobaha lagu dhaqo baabuurta iyo maqaayadaha.

“ATMIS waxay howlgal amni ka fulin doontaa saldhigga 10-ka illaa 16-ka April, si loo ogolaado hubin amni oo mideysan, xerada waxay gali doontaa xayiraad buuxda muddada kor ku xisan.” ayaa lagu yiri qoraalka oo ku soo beegmay xili xasaasi ah.

Wararka qaar waxey sheegeen in ujeedka ugu weyn ee qorshahan ay tahay oo kaliya sidii loo baajin lahaa dhaarinta xildhibaanada cusub oo loo madlansan yahay 14-ka bishan, dhaarta waxey eheyd iney ka dhacdo xerada Afisyooni oo kamid ah meelaha ay xirayaan ATMIS, iyadoo aan la ogeyn sida ay wax isu bedeli doonaan, maadaama Xalane dib loo furi doono 17-ka bishan.

Arrimahan oo idil ayaa ku soo beegmaya xili khilaafka Midowga Afrika iyo Xukuumada cirka sii galay, kadib markii Rooble uu soo saaray warqad uu dalka uga eryay wakiilka Mdiowga Afrika Fransisco Madeira, iyadoo talaabadaas ay diideen madaxda AU, waxaana xigtay in Madeira lagala noqday dal-ku-galka, sidoo kalena lagu xiray terminal-ka Movcon ee ay adeegsadaan shisheeyaha ee garoonka Aadan Cadde.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment