Ali Harbi Ali oo lagu helay dambiga dilka xildhibaan David Amess

Bulsha:- Ali Harbi Ali oo ah 26 jir Soomaali ah ayaa maanta lagu helay dambi ah inuu dilay xildhibaan David Amess oo ka tirsanaa baarlamanka UK, kaasi oo uu ku weeraray kaniisad uu kula kulmayey cod-bixiyeyaal.

Ali ayaa dhowr jeer mindo ku dhuftay xildhibaan David Amess markii uu kaniisadda ku weeraray bishii October 2021, werarkaas oo uu ku qeexay mid uu uga aargudanayey taageero uu xildhibaanka siiyey duqeymo laga fuliyey Syria.

Waxa uu sidoo kale xusay in sababaha uu dilka u gaystay ay ka mid tahay in xildhibaan Amess uu ka tirsanaa koox baarlamaani ah oo lagu magacaabo “Saaxiibada Conservative-ka ee Israel.”

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in Ali uu ahaa “argagixiso xagjir Islaami ah, dhiifoon oo xamaasadeysan.”

“Kani waxa uu ahaa ficil argagixisanimo oo aad u xun oo ay dhiiri-geliyeen aaminsanaanta fikrado iyo caqiidooyin diimeed,” ayuu yiri Nick Price, oo ah madaxa qeybta ka-horatgga argagixisanimada ee Adeega Dacwad-oogista Boqortooyada.

“Ali wuxuu doortay inuu gaysto dambi naceyb ah sababo naceyb iyo nafsaani ah dartood.”

Ali ayaa Maxkamadda Old Bailey ee London ay ku heshay dambi ah dil iyo diyaarinta argagixisanimo, kadib markii xeer-beegtida ay ku qaadatay kaliya wax ka yar nus saac inay go’aan gaaraan.

Dilka Amess oo ahaa xaasle 69 jir ah oo dhalay shan caruur ah, kana tirsanaa xisbiga Conservative-ka ee ra’iisul wasaare Boris Johnson, ayaa mowjado argagax leh u diray baarlamanka, wuxuuna horseeday baaqyo ku saabsan in amni wanaagsan la siiyo xildhibaanada.

Xildhibaanada British-ka ayaa inta badan kulmada dadweyne qabta ayaga oo haysto ilaalo aad u yar amaba aan haysan mararka qaar.

Ali ayaa dambi baarayaasha u sheegay inuu sanado qorsheynayey inuu dilo xildhibaan, islamarkaana uu indho indheyn ku sameeyey xarunta Baarlamanka iyo laba xildhibaan oo kale, oo uu ku jro Michael Gove, oo sidoo kale wasiir ah.

Wuxuu sheegay inuu “ku fashilmay” weeraradii hore kadibna uu ishaareystay Amess, sababtoo ah buu yiri ,“wuxuu ahaa kan ugu fudud.”


Ali ayaa sidoo kale Maxkamadda u sheegay inuu doonayey inuu ku biiro Daacish, islamarkaana uu rumeysan yahay in ficilladiisa ay caawin doonaan Muslimiinta, isaga oo isku qeexay Muslim “qunyar socod ah.”

“Haddii ay ila tahay in waxa aan sameynayo ay khalad yihiin, ma sameyn laheyn,” ayuu maxkamadda u sheegay.

Ali ayaa la xukumi doonaa taariikh kale oo aan la shaacin.

REUTERS










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment