Sarkaal boolis ah oo lagu dilay Beledweyn & Kooxdii dishay oo la toogtay

Bulsha:- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay magaalada Beledweyn loogu geystay sarkaal ka tirsan ciidamada booliska maamulka Hirshabelle, kaasoo magaciisa lagu sheegay Axmed Xasan Biriq, iyagoo dilka u adeegsaday bistoolado ay wateen.

Sarkaalka oo ahaa laba xidigle boolis ah ayaa dilkiisa waxa uu si gaar ah uga dhacay xaafadda howlwadaag, iyadoo rasaasta lagu tooganayay ay ku soo bexeen ciidamo ku sugnaa saldhigga galbeed ee magaalada oo aan ka fogeyn halka didlka uu ka dhacay.

Saraakiil boolis ah oo suxufiyiinta u warantay ayaa sheegay iney dileen laba kamid ah ragii dilka u geystay marxuum Biriq, iyadoo dagaal mudo kooban socday uu dhexmaray danbiilayaasha iyo ciidamada booliska, iyadoo sidoo kale ay soo qabteen bambooyin iyo laba bistoolad ay wateen.

Laamaha amaanka ee maamulka Hirshabelle ayaa warbaahinta u soo bandhigay meydadka labada dhalinyarada ah ee dishay sarkaalka booliska ah, iyagoo digniin adag u diray waalidiinta ku nool gobolka Hiiraan iney ka warhayaan dhaqdhaqaaqa ay sameynayaan caruurtooda, si aan loo marin habaabin.




Magaalada Beledweyn oo si habsami leh ay uga socoto doorashada kuraasta golaha shacabka ee Hirshabelle ka soo galeysa baarlamaanka, ayaa waxaa hadana barbar socda falal amni daro oo isugu jira qaraxyo iyo dilal ay geysanayaan kooxaha dowladda ka soo horjeeda, waxaana magaalada ku sugan ciidamo fara badan oo qaarkood laga qaaday Muqdisho.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment