Ruushka oo sheegtay in magaaladii ugu horeysay ay ku qabsadeen dagaalka Ukraine

Bulsha:- Muddo hal todobaad ah kaddib marki uu billaabay duullaanka uu uu ku qaaday Ukraine, ayuu Ruushka Arbacada maanta ah sheegay in ciidankiisu qabsadeen magaaladi ugu horreysay oo ka mid ah magaalooyinka muhiimka ah.

Magaalada Kherson oo ah magaalo ay ku noolyihiin rubuc malyuun qof ayay Ruushku sheegteen in ay maanta gacanta ku dhigeen. Magaaladaan ayaa inyar xagga waqooyi ka jirta gobolka Crimea ee ay horay Ruushku uga qabsadeen Ukraine, sannadki 2014-kii.

Hase yeeshee, duqa magaalada Kherson ayaa beeniyay sheegashada Ruushka, islamarkaana sheeegay in magaaladu ay wali tahay magaalo Ukraine.

Dhanka kale, wararka laga helayo magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ee Kharkiv ayaa sheegaya in ciidamada Ruushka ay gudaha u galeen islamarkaana uu halkaasi dagaal culus hadda ka ka socdo.

Sidoo kale duqeynta dhinaca cirka ayaa wali ku socota magaaldaasi istaraatiijiga ah. Guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay in duqeynta ay 24-ki saac ku dhinteen in ka badan 21-qof.

Magaalada Kyiv ee caasimadda Ukraine ayaa xalay daganeyd, mana jirin wax duqeyn ah oo ay dadku maqleen, sida ay xaqiijiyeen wariyaasha halkaasi kasoo warramaya.


Madaxwenaha Ukraine Zelensky, ayaa isna maanta sheegtay in lixdii maalmood ee lasoo dhaafay ay ciidamada Ruushka ka dileen 5840 askari. Ma jirto war madax bannaan oo xaqiijin kara sheegashadaas.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment