Rooble oo soo dhoweeyey xil ka-qaadista guddoomiyaha SEIT ee HirShabeelle

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhoweeyey xil ka qaadista uu madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ku sameeyey guddoomiyihii guddiga doorashada maamulka HirShabeelle (SEIT) Axmed Xasan Diini.

Guudlaawe ayaa sheegay in Axmed Xasan Diini uu xilka ka qaaday kadib markii uu “ka laeexday habsami u socodka iyo habraacyada doorashada 2020/2022.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu si dhow ula socdo dhammaystirka doorashada kuraasta Golaha Shacabka BFS ee wali harsan isagoo kala shaqaynaya, sida uu yiri, Madaxda Dowlad-goboleedyada Jubaland iyo HirShabeelle.

“Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u hambalyaynayaa Maxamed Xuseen Maxamed oo xubin ka noqday Guddiga Doorashada ee Hirshabelle kaas oo badalaya Axmed Xasan Diini, waxa uuna farayaa dhamaan Guddiyada doorashooyinka in ay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada Doorashada ilaaliyaanna kala danbaynta,” ayuu Rooble ku yiri qoraalka

“Ra’iisul Wasaaraha oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxwaynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayay ka wada hadleen in kuraasta Xildhibaannada ee taalla Baladwayne loogu tartamo si furan isla markaana aan shaqsi gaar ah loo xirin.”


Rooble ayaa ugu dambeyn ku booriyey Madaxda Jubaland iyo HirShabeelle in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo dhammaystiraan Kuraasta Golaha Shacabka ee harsan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment