Mareykanka oo ka dalbaday Turkiga in Gantaalada uu ka iibsaday Ruushka ku wareejiyo Ukraine

Bulsha:- Dowladda Mareykanka ayaa wada dedaalo ay ku qancineyso waddamada katirsan Gaashaanbuurta NATO iyo Midowga Yurub ee Ruushka ka iibsaday hubka casriga in ay ku wareejiyaan hubkaasi dowladda Ukraine.

Saraakiil Mareykan ah ayaa la sheegay in Turkiga kala hadleen suurto galnimada in gantaalaha difaaca hawada ee S-400 ee uu Ruushku sameeyay kana iibsaday dowladda Turkiga in ay ku taageeraan dowladda Ukraine ee dagaalka kula jirta Ruushka.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay saraakiisha Mareykanka bishii hore soo jeedintan si aan rasmi aheyn ugu gudbiyeen  Turkiga, waxa ayna arrintan soo baxday xilli Turkiga booqasho ku tagtay ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Wendy Shermanay.




Mareykanka ayaa la sheegay in waddamada xulufada la ah ee iibsaday hubka iyo qalabka difaaca hawada ee S-300 iyo S-400 ee sameesay dowlada Ruushka ka codsatay in ay ku taageeraan Dowladda Ukrain si ay isaga difaacdo duullaanka Ruushka.

Dowladda Turkiga ayaa loo badinayaa in ay iska diidi doonto codsiga uga yimid dowladda Mareykanka, mana jiro war rasmi ah oo ilaa hada kasoo baxay dowladda Turkiiga oo ku aadan soo jeedinta Mareykanka uga timid.

Mareykanka ayaa horey uga carrooday in Turkiga ka iibsadaan Ruushka gantaalaha difaaca hawada ee S-400, waxa ayna tallaabada Turkiga uga iibsaday Ruushka gantaaladan difaaca keentay in ay isku dhacaan Mareykanka uuna xumaado xiriirka labada dal.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment