Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo si weyn u cambaareeyay qaraxii Beledweyne iyo weerarkii garoonka Aadan Cadde

Bulsha:- Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii argagixiso ee ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyo magaalada Beledweyne, 23-kii March 2022, kuwaas oo ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab, laguna dilay tobannaan qof, ayna ku dhaawacmeen tira intaas ka badan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin, isla markaana ay uga tacsiyeynayaan ehelada dadkii ku dhintay qaraxyadaas, iyaga oo u rajeeyeen kuwa dhaawaca ah in ay si degdeg ah u bogsadaan.

"Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo dembiilayaasha, abaabulayaasha, iyo maalgeliyayaasha falalkaas argagixisada ah, lana horkeeno caddaaladda" ayaa lagu yiri bayaanka Golaha Ammaanka.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale ku boorriyeen dhammaan Dowlad-goboleedyada, 'si waafaqsan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah iyo go’aannada Golaha Ammaanka ee khuseeya' inay si firfircoon ay ula shaqeeyaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha kale ee ay khusayso arrintan.

"Xubnaha golaha amaanka ayaa ku celnaya in argagixisadu nooc kasta iyo muuqaallo kasta oo ay leedahay ay khatar weyn ku tahay nabadda iyo ammaanka caalamka. Waxa ay xaqiijinayaan in dhammaan falalka argagixisanimada ah ay yihiin dambiyo, isla markaana aan qiil loo heli karin, iyada oo aan loo eegin waxa ku kallifay, meel kasta, goor kasta iyo cid kasta oo geysata" ayuu sii raaciyay war-murtiyeedka Golaha Ammana ee Qaramada Midoobay.


Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa sheegay inay ka walaacsa yihiin khatarta Al-shabaab ee Nabadda iyo Ammaanka Somaaliyaa iyo Gobolka. waaxayna ku boorriyeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan arrimaha qaranka ee muhiimka ah, oo ay ku jiraan gunaanadka hannaanka doorashada ee socdta, la dagaallanka argagixisada iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee ba'an ee ka dhacaya Soomaaliya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment