Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah

Bulsha:- Dowladda Itoobiya ayaa Khamiistii ku dhawaaqday xabbad-joojin bani’aadannimo oo aan la cayimin wakhtiga ay ku egtahay, taasoo isla markiiba dhaqan gashay, si gargaarka loo gaarsiiyo gobolka Tigray.

Bayaan kasoo baxay xakuumadda Addis Ababa ayaa lagu sheegay in ay rajeynayaan in xabad-joojintani ay dedejiso sidii gargaar bani’aadannimo oo deg deg ah loo gaarsiin lahaa gobolka Tigray, halkaas oo ay boqollaal kun oo ruux ku wajahayaan gaajo aad u daran.

Si loo adkeeyo xabbad-joojinta ayay dowladda Itoobiya ugu baaqday jabhadda TPLF in ay joojiyaan falal kasta oo gardarro ah isla markaana ay ka baxaan meelaha ay qabsadeen ee gobollada deriska la ah.

Tan iyo marki uu dagaalka ka billowday Waqooyiga Itoobiya bishi November ee sannadki 2020-kii, kumannaan qof ayaa ku dhintay colaadda, halka ay kumannaan kale ay ka qaxeen guryahooda, waxaase dhibta ugu badan ay gaartay dadka ku go’doonsan gobolka oo la sheegay in xaaladdoodu ay u dhawdahay macluul.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment