DEG DEG: Weerar lagu qaaday qeyb kamid ah Xerada Xalane ee Muqdisho

Bulsha:- Waxaa weli dagaal uu ka socdaa meelo kamid ah garoonka diyaaradaha Adan-Cadde ee magaalada muqdisho, halkaas oo ay weerareen rag katirsan Ururka Al-Shabaab, waxaana a dagaalamaya Ciidamo katirsan dowladda iyo kuwa AMISOM.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in uu dagaalka ka socdo gudaha xarunta hay’adda maamusha Eeyaha baaraha baabuurta galeysa Garoonka, iyada oo la arkayo uuro cirka isku shareertay.

laamaha Amniga dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin weerarkaas, waxaana dad ku sugan garoonka ay Risaala u sheegeen inay maqlayaan dhawaqa jug culus & rasaas ay is weeydaarsanayaan labada dhinac.




Goobta uu dagaalka ka socdo ayaa kamid aheyd goobaha sida weyn loo ilaaliyo ee garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho, waxaana dadka ay si weeydiinayaan sababaha keenay in Al-Shabaab weeraraan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment