Wax ka Ogow:- Yaa ku guuleystay kursigii Laga Reebay Cabdiweli Muudey?

Bulsha:- Maxamed Cabdalla Axmed ayaa maanta kusoo baxay doorashada kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay HOP145, kaddib markii uu ku guuleystay 76 cod, halka musharraxii la tartamayay oo ahaa Cabdullahi Axmed Cabdi uu helay 12 cod.

Kursigan ayaa waxaa sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya ee muddo xileedkiisu dhammaaday Cabdiweli Ibraahim Muudeey isaga oo sheegay in maamulka Koonfur Galbeed ay ka hor-istaageen safar uu ku tagi lahaa degmada Baraawe, si uu ugu tartamo doorashada kursigan.

Muudeey ayaa is-hortaaga lagu sameeyey ku tilmaay mid sharciga baal marsan, laakiin booliska Soomaaliya ayaa Isniintii sheegay in sababta garoonka Aadan Cadde looga celiyey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Soomaaliya Cabdiweli Ibraahim Muudey ay aheyd isaga oo watay ciidammo ka badan kuwa sharci ahaan la oggolyahay.

Muudey weli kama hadlin natiijada doorashada kursigan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment