Maxkamada Hargeysa oo dambi ku weysay weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon

Bulsha:- Somaliland ayaa go’aan culus kasoo saartay kiiska Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon, kaas oo muddooyinkii u dambeeyey ku xirnaa xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa.

Maxkamada gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah ugu dhowaaqday in Coldoon lagu waayey wax dambi ah, waxayna amartay in laga sii daayo xabsiga.

Xeer ilaalinta maxkamadda ayaa dhanka kale la sheegay inay rafcaan ka qaadatay go’aanka kasoo baxay maxkamadda Hargeysa ee lagu sii daayey Wariyaha.

Go’aanka sii deynta ee Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon ayaa waxaa si diiran u soo dhoweeyey ehelladiisa iyo bulshada Soomaaliyeed oo aad uga hadal haya baraha bulshada.

Coldoon oo xabsiga loo taxaabay taariikhdu markay aheyd 23/08/2021-kii, ayaa loo soo jeediyey eedeymo culus, sida dacaayad qaran dumisnimo ah, faafinta warar been abuur ah iyo aflagaadeyn siyaasiyiinta iyo golaha sharci dejinta ee Somaliland.

Sidoo kale eedeymaha kale ee loo soo jeediyey waxaa ka mid ah inuu warbixino liddi ku ah ka qoray Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo, doodaas oo meel sare gaartay.

Xiisadda ayaa kasii dartay markii uu Coldoon shaaca ka qaaday in macalimad Joy Isa ay tahay Masiixiyad howl diimeed u timid magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo ku caan baxay arrimaha samafalka iyo u gargaarida dadka taabaleysan ayaa marar badan siyaabo kala duwan loogu xiray Hargeysa.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment