Madaxweynaha Turkiga oo Maanta booqanaya Imaaraadka

Bulsha:- Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagaya magaalada Abu Dhabi ee xarunta isutaga Imaaraadka Carabta.

Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, oo ah dhaxal sugaha Abu Dhabi, ayaa aaday Turkiga bishii November;Labada dal waxay kala saxiixdeen heshiisyo badan.

Booqashada Erdogan ayaa sidoo kale ah tallaabo cusub oo horumar u ah xiriirka labada dal ka dib sannado badan oo uu xiriirkooda aad u hooseeyay.

Madaxweyne Erdogan oo kasoo muuqday warbaahinta Imaaraatka Carabta ayaa booqashadiisa waxa uu ku tilmaamay in tahay “fursad dahabi ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal”.

Booqashadan ayaa daba socota tillaabooyinka la qaaday sannadkii hore ee lagu xoojinayay xiriirka labada dal ka dib sagaal sano oo xiisad ah.

Intii lagu guda jiray booqashadii Al Nahyan ee sanadkii hore bishii Noofambar 24, waxaa la saxiixay heshiisyo maalgashi oo gaaraya $10 bilyan oo ah dhinacyada tamarta, , tignoolajiyada, gaadiidka, kaabayaasha, caafimaadka, adeegyada maaliyadeed, cuntada iyo beeraha.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment