Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay qarixii lagu dilay Nabaddoonada

Bulsha:-  Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Xukuumadda Iyo Shacabka Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle Ha’unaxariistee Jiif Caaqil Yaasiin Cali Dhahar iyo Nabadoon Cabdi Ciise Maxamed oo ku ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Boosaaso.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Alle Ha’unaxariisto Jiif Caaqil Yaasiin Cali Dhahar iyo Nabadoon Cabdi Ciise Maxamed oo ku geeriyooday qaraxii argagixisnimo ee ka dhacay Boosaaso.

AHUN waxay ahaayeen labo Odey oo si weyn uga soo shaqeeyay nabadeynta iyo horumarka, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelkoodii iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen. Dadkii kale ee ku dhaawacmay weerarkaasi waxaan alle uga baryaya in uu u booga dhayo, aamiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment