Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Amniga Bedweyne kala hadlay Odayaasha Dhaqanka

Bulsha:- Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Beledweyne kulan la qaatay Nabadoonada Waxgaradka iyo Cuqaasha beesha Gaaljecel oo kamid ah beelaha dega Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha waxaa kulankaan ku wehliyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakiin Luqmaan Xaaji iyo qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka waxaana looga hadlay sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen beesha iyo Maamulka Hir-Shabeelle, la iskana kaashan lahaan nabada Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay nabadoonada iyo waxgaradka beeshaan dooorkii muuqda ay ku lahaayeen aas aaska Hirshabeelle iyo garab istaaga muuqda ay la garab joogaan Hirshabeelle, waxa uuna balan qaaday inay heli doonaan xuquuq walba oo kaga maqan Hirshabeelle, waxa uuna kula dardaarmay in si wadajir ah looga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka bulshada, hay’addaha amnigana ay kala shaqeeyaan amaanka iyo xasilinta Magaalada Beledweyne.














Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment