Fanaanad Caan ah oo Fanka isaga baxday farriina u dirtay Taageerayaasheeda

Bulsha:- Fanaanadda Soomaaliyeed ee caanka ah Xaliimo Maxamed Axmed (Xaliimo Gobaad) ayaa shaaca ka qaaday in ay isaga baxday fanka oo sanadihii ugu dambeeyay ay ku jirtay caana ka aheyd.

Qoraal ay soo dhigtay Fanaanadda Xaliimo Gobaad barteeda Facebooka ayey ku shaacisay in ay isaga hartay fanka ayna go’aansatay in gabi ahaan joojiso qaadista heesaha, waxa ayna ka codsaday taageerayaasheeda in kheyrka ku taageeraan.

”Bismilah:Aniga oo ah Xaliima Goobaad, markaan arkay adduunkan in uu yahay maalmo ,markaan xasuustay Xadiiskii NNNKH, hadii aad galabeysataan Ha sugina in uu waaga idiin baryaayo Hadii subaxeysataan ha sugina in aad galab gaareysaan waxaan go,an saday in aan iska joojiyo fanka taagerayaasheyda sharafta badan waxaan idiinka rajeynayaa in aad qeyrka igu taageertaan Alla oo raali iga Noqda ayaa muhiim ii ah”ayey tiri Xaliimo Gobaad.

Go’aankan ay Fanaanadda Xaliimo Gobaad fanka uga baxday ayaa kusoo aadaya xili maalmo kahor ay guursatay, waxaana si weyn usoo dhaweeyay go’aankan ay fanka uga baxday qaar badan oo kamid ah taageerayaasheeda.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment