Faahfaahin dilka taliyihii saldhigga booliska Beledweyne oo lagu dhex diley xafiiskiisa

Bulsha:- Taliyahii ciidanka Booliiska magaalada Baledweyne Laba xidigle Maxamed Xuseen Maxamuud Duurdage ayaa ku dhintey iskahorimaad hubeysan oo ka dhacay gudaha saldhigga booliska magaalada Beledweyne.

Iska horimaadka ayaa ahaa mid u dhaxeeyay ciidamada Booliiska ee halkaasi hore ugu sugnaa iyo ciidamada Haramcad ee dhawaan la geeyay Baledweyne.

Iska hor imaadkaan sababay inuu dhinto taliyahii Saldhiga Booliiska Baledweyne ayaa imaaneya xili saakay Saldhiga Baledweyne lagu xiray boqolaal dadweyne ah oo ay ciidamada Haramcad howgalo ay sameyeen kaga soo qaqabteen xaafada Buundaweyn ee magalaada Baledweyne.

Magaalada Beledweyne ayaa bilihii la soo dhafay waxaa ay wajaheeysay marxalado kala duwan, waxaana qeybo kamid ah magaalada ku sugan maleeshiyaad la magac baxay kacdoonka Gobolka Hiiraan, kuwaas oo kasoo horjeeda Maamulka Hir-Shabeelle.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment