Dowladda Imaaraadka oo mar kale lagu qaaday weerar Drone ah

Bulsha:- Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay xalay hawadeeda ka qabatay saddex diyaarad oo ah nuuca aan duuliyaha laheyn (Drone), ayada oo mar kale lagu soo qaaday weerar.

Saddex weerar oo horey loogu qaaday Imaaraadka, oo uu ku jiray mid gantaal oo dhacay Isniintii xilli uu dalkaas booqanayey madaxweynaha Israel ayaa waxaa ka dambeeyey kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ee Iran ay taageerto.

Hase yeeshee Xuutiyiinta ayaan weli sheegan weerarka cusub.

Weerarkii Drone ee Arbacadii ayaa waxaa sheegtay koox aan sidaas loo aqoon oo lagu magacaabo Alwiyaat al-Waad al-xaq ama “Guutada Ballan-qaadka Runta ah” oo qiil ka dhigatay faro-gelinta Imaaraadka ee Yemen iyo Iraq, sida ay sheegtay kooxda Mareykanka ee arrimaha sirdoonka ee SITE Intelligence Group oo la socota website-ka maleeshiyadan.

Weerarka kaliya ee horey ay kooxdan u sheegatay ayaa dhacay bishii Janayao 2021, kaasi oo ahaa mid loo adeegsaday diyaarado Drone ah oo lagu qaaday dalka Sacuudi Carabiya.

Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay “inay diyaar u tahay inay ka hortagto halis kasta” ayna qaadeyso “dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah” si ay u ilaaliso dalka.

Dowladda Mareykanka ayaa Talaadadii sheegtay inay diyaaradaha dagaalka u direyso Imaaraadka Carabta si ay u caawiyaan kadib weeraradii lagu qaaday.

Xuutiyiinta ayaa bilihii dhowaa kordhiyey weerarada ay ku qaadayaan Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya oo qeyb ka ah dagaalka toddobada sano ka socda dalka Yemen.

Weerarki u dambeeyey ayaa noqonaya kii saddexaad oo muddo bil gudaheed ah lagu qaado dalka Imaaraadka, ayada oo weerar ay bartamihii Janaayo ka dhacay Abu Dhabi ay ku dhinteen saddex qof, kuna dhaawacmeen lix kale.

Reuters











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment