Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo lagu qabtay Baraawe

Bulsha:- Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa Maanta degmada Baraawe oo ah Goobta degaan doorashada labaad ku qabtay doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka.

Kuraasta ayaa waxaa ku tartamay qaarkoodna ku guuleystay kuwo horay ugu fadhiyay iyo kuwo ku cusub Siyaasadda, waxaana kuraasta la doortay & Xubnaha kusoo baxay ay kala yihiin.

Kursiga Koowaad ee Hop#165 ayaa waxaa ku guuleystay Saalim Caliyow Ibroow oo kursigaan horay ugu fadhiyay, isaga oo helay codad gaaraya 70-cod halka musharaxii la tartamayay Aadan Cusmaan Xasan uu heley 15-cod

Kursiga labaad ee Hop#161 oo uu horay ugu fadhiyay Sayid Cali Cabduqaadir Macalin ayaa waxaa ku guuleystay Yuusuf Aadan Maxamed oo helay codad gaaraya 80-cod halka musharaxii la tartamayay ee Cabdulaahi Xuseen Faarax uu heley 7-cod.

Kursiga Saddexaad ee Hop#044 oo ay ku fadhiday Safiya Xasan Nuur ayaa waxaa Maanta doorashadii dhacday ku guuleysatay  Maryan Maxamed Cali oo heshay codad gaaraya 73-cod halka musharaxii la tartamaysay Faadumo Xasan Cumar ay heshay 10-cod

Kursiga Afaraad ee Hop#016 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Aamino Sheekh Cusmaan ayaa waxaa Maanta loo doortay Xuseen Cali Xaaji oo kasoo wareegay dhinaca Aqalka Sare, kaas oo helay codad gaaraya 81-cod halka musharaxii la tartamayay ee Ismaciil Xuseen Axmed uu heley 10-cod.


Kursiga Shanaad ee HopHop#152 oo uu ku fadhiyay Cabdullaahi Cumar Abshir ayaa waxaa doorashadii dhacday ku guuleystay markale Cabdullaahi Axmed Abshir oo helay codad gaaraya 83-cod halka musharaxii la tartamayay  ee Axmed Xasan Geedi uu heley 16-cod

Kursiga lixaad ee Hop#153 oo uu ka geeriyooday Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil  ayaa waxaa ku guuleysatay Farxiyo Maxamed Cabdi oo heshay codad gaaraya 88-cod halka musharaxii la tartamaysay ee Anisa Maxamed Xasan ay heshay 12-cod.

Kursiga Todobaad ee Hop#151 uu ku fadhiyay Cabdullaahi Xuseen Cali ayaa waxaa markale ku guuleystay Cabdulaahi Xuseen Cali, isaga o helay codad gaaraya 78-cod halka musharaxii la tartamayey ee Mahad Cali Axmed uu heley 17-cod

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqday Maamulkii ugu horreeyay ee bilaaba degaan doorashada labaad, kaas oo qeyb ka ahaa heshiiskii Golaha wadatashiga Qaran ay kasoo saareen shirkii ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment