Dhacdo Yaableh:- Cunug yar oo ku xaniban gunta Ceel uu ku dhacay & dedaal samatabixin ah oo socda +Sawirro

Bulsha:-  Waxaa si xowli ah u socda dadaalo lagu soo badbaadinayo canug yar oo ku dhacay Ceel biyood u dhow magaalada Shefshawan ee dalka Marooko.

Rayaan oo shan sano jir ah, ayaa lagu soo warramayaa in uu ku ciyaarayay meel u dhow ceelkaasi oo ku yaal magaalada waqooyiga ku taal ee Tamrout, oo 100km u jirta Shefshawan.

Waxaa la rumaysan yahay inuu ku dhacay ceel dherarkiisu lagu qiyaasay ilaa 32 miitir kaasoo la sheegay in afkiisa uu aad ciriiri u yahay.

Kumannaan kun oo qof ayaa baraha bulshada kala socda muuqaallada gurmadka loo sameynayo wiilkan, waxaana goobta isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan.

Afhayeenka dawladda Marooko Mustafa Baitas ayaa xalay sheegay in dedaalada lagu badbaadinayo wiilkaasi yar ay haatan marayaan meel fiicaan isla markaana la filayo in goor dhow bannaanka loo soo saaro.

Muuqaal lagu soo duubay kaamiro loo dhaadhiciyay gunta ceelka ayaa muujinaysa in wiilkan yar uu weli nool yahay oo uu miyir qabo, inkastoo ay ka muuqdaan dhaawacyo fudud oo madaxa ah.

Waxaa wiilkaas loo dhaadhiciyay qalabka neefsiga ee Ogsijiinka, cunno iyo biyo, waxaana sidoo kale goobta ku sugan koox hawlwadeenno caafimaad ah oo diyaar u ah in ay daweeyaan wiilkan isla marka ceelka laga soo saaro. Sidoo kale waxaa goobta soo gaaray diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah wiilkaasi si loo geeyo isbitaalka marka laga soo saaro ceelka.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment