DEG DEG: Guddiga doorashada oo war cusub kasoo saaray kursiga Fahad iyo laba kursi oo kale

Bulsha:-  Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyay halka ay mareyso doorashada Golaha Shacabka, xili ay maalmo kooban inaga xigaan mudadii loo qabtay dhameystirkeeda.

Sidoo kale waxa uu shaaciyay guddoomiyaha saddex Kursi oo illaa hadda ay hakiyeen, kuwaasi oo kala ah; HOP#154, HOP#103 iyo HOP#086, kuwaasi oo uu sheegay in dib looga fiirsanayo.

“Kuraastaas oo habraacoodii khaldamay, kuna toosneyn sidii loogu tala-gal dib ayaa looga fiirsanaya, inta ka horeysana waa la joojiyay oo sidooda ayey ahaanayaan,” ayuu yiri Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal.

Saddexda kursi ee uu shaaciyay Guddoomiyaha in gebi ahaanba la hakiyay, ayaa waxaa ku jira kursiga HOP#086 oo shalay uu kusoo baxay La-taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Guddiga ayaa hore u soo saaray go’aan ay ku diidayaan qabashada kursiga Fahad oo haddii aanay waxba iska beddelin, waxay Fahad Yaasiin oo xildhibaan ku noqday magaca Fahad Daahir Axmed, ka hor istaagi doontaa shahaadada kama dambeysta ah ee xildhibaanimo oo ay bixinayaan Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal.

“Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) waxba iskama badalin go’aankii ay ku hakiyeen kursiga HOP#086, sidaasi darteed waa waxba kama jiraan natiijada talaabadii maanta lagu baalmaray,” ayaa lag yiri qoraal ay guddiga soo saareen.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in doorashada ay ka dhamaatay gobolada Waqooyiga iyo Baraawe, halka deegaan doorashooyinka kale ay si habsami leh uga socota, kuwaasi oo ay ku soo baxeen 165 kursi, halka ay weli dhiman tahay 110 kursi.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in bogagii baraha bulshada ee guddiga ay dib u soo ceshadeen, kaasi oo ay hore u sheegen in uu ka baxay gacantooda, oo uu galay dhinac kale oo aan metelin guddiga.




Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment