Daawo Sawirada:- Sida Lagu Soo Dhaweeyay Baladweyne Madaxweynaha Cali Guudlaawe

Bulsha:- Madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta oo Axad ah markii ugu horeysay ay u suura gashay in uu tago magaalada Baladweyne.

Guudlaawe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhaweyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo kan Hiiraan.

Socdaalka ayaa yimid xilli weli xaaladda magaalada ay cakiran tahay, waxaana wararka ay sheegayaan in khilaafka uu sii xoogeysto.

Hoolka weyn ee xarunta magaalada ayaa waxaa soo dhaweyn balaaran madaxweynaha ugu sameeyay xubna ka tirsan maamaaulka gobalka Hiiraan.

Dadka dega gobalka Hiiraan ayaa tan iyo doorashadiisii diidanaa in magaalada uu yimaado Cali Guudlaawe Xuseen, waxaana tan iyo xilligaas magaalada ka taagnaa khilaaf sababay in dhowr jeer gacan ku heynta magaalada lagala wareego maamulka Hirshabeelle.

Sawiro Soo dhaweynta Guudlaawe














Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment