Cali Yare oo eedeyn culus u jeediyey Qoor Qoor kadib markii laga celiyey garoonka

Bulsha:- Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobalka Banaadir Cali Yare ayaa sheegay in safarkiisa uu ku tagi lahaa Dowlad Gobaleedka Galmudug aysan ka baajin NISA.

Guddoomiye Cali Yare ayaa madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ku eedeeyey inuu ka dambeeyey in la baajiyo safarkii uu ku tagi lahaa magaalada Guriceel halkaas oo uu qorsheenayey inuu kaga sii gudbo magaalada Dhuusamareeb.

Cali Yare ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu hay’adda NISA ka dalbaday in la baajiyo safarkiisa, balse wuxuu sheegay in Hey’adda NISA ay taas diiday.

“Waxaan beeninayaa wararka sheegaya in Hey’adda NISA oo ay madax ka yihiin saaxiibo aan shaqo-wadaag nahay ay hor istaag ku sameeyeen aniga iyo waftigii ila socday oo safar u ahaa Galmudug – ma jirto mana jiri karto sabab ay Hey’ad amni oo Gobolka Banaadir ka howlgasha ay ku hor istaagi karto safar aan hoggaaminayo maadaama aan anigu fadhiyo xafiiska Amniga Caasimadda – Waxaanse bulshada u xaqiijinayaa inuu shalay, xalay iyo saakay-ba Madaxweynaha Galmudug la soo xariiray Hey’adda NISA kana dalbaday in aniga iyo waftigeygu aanan Galmudug u soo duuli karin  sida ay Madaxda NISA ii xaqiijiyeen,” Ayuu yiri Cali Yare.

Hadalka Cali Yare ayaa u muuqda inuu yahay mid is khilaafsan, waxaana is qaban la’ hadalkiisa ah in Hay’adda NISA ay diiday codsiga Qoor Qoor iyo in maanta laga celiyey Garoonka.

Sida ay ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Caasimada Online, Cali Yare iyo ciidamo uu watay ayaa maanta loo diiday inayka dhoofaan Garoonka Aadan Cadde, waxaana arrintaas ka shaqeeyey madaxweynaha Galmudug oo doonayo in Kursiga HOPP#147 loo xiro xildhibaan Mahad Salaad.


Cali yare ayaa ka mid ahaa dadka aad ugu dhaw Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  Cali ayaa u sharaxnaa mid ka mid ah kuraasta taala Magaalada Dhuusomareeb kuwaas oo deegaan doorashadiisa tahay Galmudug.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa xilli shalay isla garoonka Aadan Cadde laga celshay Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee BFS Cabdiweli Muudey kaas oo safar u ahaa Magaalada Baraawe ee Caasimadda Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Todobaadkaan ayaa la filayaa in doorashada kursiga HOPP#147 ay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb, waxaana madaxweynaha Galmudug ka go’an inuu kursigaan kusoo baxo Mahad Salaad oo Afartii Sano ee lasoo dhaafay  ku fadhiyey.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment