Xisbullah:- Sheekh Xasan Nasrallah oo erey ka careysiiyey Sacuudiga ku qeexay Boqor Salmaan

Bulsha:- Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in Xizbullah ay halis ku tahay amniga Carabta kadib markii hoggaamiyaheeda Sheekh Xasan Nasrallah uu Boqor Salmaan ku calaamadeeyey “argagixiso”.

Hadalladii ugu dambeeyey ee ay is-weydaarsadeen labada dhinac ayaa yimid ayada oo xiisad ay u dhaxeyso Lubnaan iyo dalalka Khaliijka, taasi oo ku aadan dagaalka Yemen, iyo eedeymaha Sacuudiga ee ah in Xizbullah ay qeyb ka tahay dagaalka.

“Riyadh waxay rajeyneysaa in xisbiyada siyaasadda ay ahmiyad siin doonaan danaha Lubnaan, iyo soo afjaridda maamulka argagixisanimo ee Xizbullah ee dalka,” waxaa sidaas AFP u sheegay safiirka Sacuudiga ee Beyruut Waleed Bukhari. 

“Dhaq-dhaaqyada argagixiso ee Xizbullad iyo dhaqankeeda militari ee gobolka waxay halis ku yihiin amniga Carabta,” ayuu yiri.

Hadalka Waleed ayaa yimid kadib markii Sheekh Xasan Nasrallah, oo ah hoggaamiyaha kooxda Xizbullah ee Iran ay taageerto, uu Boqor Salmaan ku qeexay “argagixiso” kuna eedeeyey Sacuudi Carabiya inay ka faa’iideysato argagixisada Islaamiga ah.

Dabayaaqadii October, Riyadh ayaa hakisay xiriirkii diblomaasi ee kala dhaxeeyey Lubnaan kadib markii wasiirka warfaafinta dalkaas uu cambaareeyey farogelinta militari ee ay ka waddo Yemen. 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudiga ayaa goor dambe sheegay in awoodda sare ee Xizbullah ay ku leedahay Lubnaan, ee hadalka wasiirka kaliya aanay aheyn, sababta ay Sacuudiga u jareen xiriirka.


Tan iyo markii uu dagaalka Yemen billowday, Sacuudi Carabiya ayaa si joogto ah ugu eedeyneysay Iran inay hub u qeybiso kooxda Xuutiyiinta, halka Xizbullah ay tababar siiso dagaalyahanada.

Tehran waa ay beenisaa eedeymahaas, Xizbullah-na horey ayey u beenisay inay dagaalyahano iyo hub u dirto Yemen. 










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment