Shiinaha oo ballan-qaad culus u sameeyey DF Soomaaliya

Bulsha:-Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay danjiraha Shiinaha u fadhiya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, FEI Shengchao.

Kulanka labada mas’uul oo ka dhacay xarunta wasaaradda ayaa waxaa diiradda lagu saraay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaham gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, la dagaallanka argagixisada, horumarinta, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.

Sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda waxaa sidoo kale kulanka lagu soo qaaday sidii ay dowladda Shiinuhu u bilaabi laheyd mashaariic horumarineed oo laga fulinayo dalka, kuwaas oo qayb ka ah iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal, si looga dhabeeyo himilooyinka qaran ee labada shacab ee saaxiibbada ah.

Danjiraha Shiinaha oo madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya u tahay saaxiib istaraatiiji ah, wuxuuna ballan-qaaday inay xoojin doonaan taageerada ay siiyaan.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xarriiqay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay sii wadidda taageerada dowlad-dhiska Soomaaliya iyo ixtiraamka midnimada iyo madax-bannaanida.

Ugu dambeyn wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, ayaa uga mahadceliyey dowladda Shiinaha taageerada iyo kaalinta ay ka qaadato ilaalinta midnimada iyo ixtiraamidda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka daneeya Soomaaliya, wuxuuna ka fuliyaa mashaariicyo kala duwan, isaga oo sidoo kale ka qayb-qaata arrimaha bani’aadanimada ee dalka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment