Quwadaha Adduunka oo isku raacay in la xakameeyo Hubka Niyukleerka

Bulsha:-  Shanta dal ee ugu quwadda weyn dowladaha caalamka ayaa Isniinti si wada jir ah isugu raacay in ay ka shaqeeyaan sidi ay u joojin lahaayeen faafista hubka niyukleerka iyo in laga fogaado colaadda niyukleerka.

Shanta dal ee ugu quwadda weyn dowladaha caalamka ayaa Isniinti si wada jir ah isugu raacay in ay ka shaqeeyaan sidi ay u joojin lahaayeen faafista hubka niyukleerka iyo in laga fogaado colaadda niyukleerka.

Bayaan ay si wada jir ah u soo wada saareen dalalka Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Faransiiska iyo Ingiriiska, ayay ku sheegeen "In ay si xoog leh u rumeysanyihiin in faafista hubka niyukleerka ay tahay in laga hortago,"

Waxay kaloo sheegeen in dagaal loo adeegsado hub niyukleer ah aanan guul laga gaari doonin isla markaana ay tahay in aananba lagu dagaallamin.

Hadalkaan ayaa yimid, kaddib bilooyin ay kacsaneyd xaaladda xadka Ukraine iyo Ruushka, halkaas oo ay Moscow geeysay tobnaan kun oo ka mid ah ciidankeeda. Sidoo kale xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha ayaa xumaaday sannadihi dhawaa.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment