Guddiga xalinta khilaafaadka oo Safiirka Ingiriiska kala hadlay caqabadaha doorashada

Bulsha:- Guddoomiyaha guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka Maxamed Cawil Warsame, Gudoomiye ku xigeenka guddiga Maxamed Ibrahim Barre iyo Xoghayaha guddiga marwo Fardowsa Mataan Buulle ayaa kulan la yeeshay safiirka boqortooyada Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya Kate Foster.

Kulanka ayaa looga hadlay dardar gelinta doorashooyinka iyo doorka guddiga Xallinta Khilaafaadka ku lee yihiin daahfurnaanta doorashada maadaama ay jiraan kuraas dacwad laga gudbiyay oo ay guddiga hakiyeen in lagu dhawaaqo natiijadooda.

Safiirka boqortooyada Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya Kate Foster ayaa muujisay sida ay usoo dhawaynayso dadaalada guddiga ee ku aadan ka garnaqida cabashooyinka doorashada.

Guddoomiyaha guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka Maxamed Cawil Warsame ayaa Safiirka Warbixin ka siiyay halka ay marayaan doorashooyinka iyo sidii ay ugu diyaarsan yihiin waxka qabashada doorashooyinka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment