DAAWO: Howlgallo ka socda Gaalkacyo iyo Ciidanka Puntland iyo Galmudug oo beegsanaya

Bulsha:- Ciidanka Booliska gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug, ayaa howlgallo wadajir ah oo lagu xoojinayo Amniga xalay ka sameeyay magaalada Gaalkacyo.

Howlgalka oo ahaa mid ciidammadu si gaar ah uga fuliyeen goobihii ay labo habeen kahor ka dhaceen shaqaaqooyin lagu dilay saddex ruux, oo labo kamid ah ay ahaayeen saraakiil kamid ah ciidammada difaaca Puntland.

Ciidanka Booliska Puntland iyo Galmudug ayaa intii howlgaladu socdeen roondo ka sameeyay Suuqa ariga Dar-xumo, Cagarweyne, Xaafada Buulo-bacleey iyo goobo kale.

Taliyaha Ciidamada isku dhafka ah ee Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmadug, Cabdiqani Yaasiin Maxamuud (Haanfari), ayaa sheegay in goobaha howlgallada laga sameeyay ay ahaayeen halka ay kusoo aruureen kooxaha hubeysan ee qaswadayaasha ah ee kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo dhibaato ku haaya shacabka Gobolka Mudug.



Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ay yihiin kuwo iibiya waxyaabaha maandooriyaha ah, isagoo ugu baaqay shacabka gobalka, gaar ahaan kuwa Gaalkacyo inay la shaqeeyaan ciidammada Amniga.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment