DAAWO: Cabdiweli Gaas “Qofka Puntland Madaxweyne ka ah naar buu ku jiraa”

Bulsha:- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in qofka Madaxweyne ka noqdaa Puntland uu lamid yahay qof naar ku jira.

Cabdiweli Gaas oo wareysi siiyay SBC TV, ayaa xusay in Madaxweynaha Puntland uu had iyo jeer dhex jiro shido, sida beelo diriray, ciidammo gadooday iyo dagaalo dhacay, taas oo sababta in uu waayo hurdo fiican, isagoo intaas sii raaciyay in nolasha gaarka ah ay ka wanaagsan tahay.

“Qofka Puntland Madaxweyne ka ah naar buu ku jiraa, waa cadaab, hurdo fiican ma helaysid, Askar ayaa gadooday, dagaal baa dhacay, laba qoys ayaa is laayay, yacni waa qof ku jira shido. Haddii aan runta kuu sheego, nolosha gaarka ah waa nolol wanaagsan”.

Sidoo kale, Waxaa uu sheegay inay qofkaas sugayso tii Aakhiro, uuna isagu is leeyahy is daba qabo, maadama waqti badan uu meelo kale uga soo lumay.

“Nolashu ma ahan adduunka oo kaliya, Aakhirana waa dambaysaa, shaqo badan baa na sugaysa, waxaan is leeyahay waqti badan baa meela kale kaaga lumay ee bal is daba qabo”.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment