Cumar Cabdirishiid iyo Cabdiraxmaan Faroole oo isku haya arrinta Boosaaso

Bulsha:- Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa sheegay inuu ka xun yahay in ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid uu khilaafay bayaankii ay ka soo saareen arrinta Boosaaso.

Faroole ayaa sheegay in Cumar Cabdirashiid uu la ogaa hawsha ay wadeen, balse uu si lama filaan ah uga baxay garabkooda markii ay soo saareen bayaanka.

Cumar Cabdirashiid ayaa qoraal uu ku baahiyey boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku yiri “Waxaan caddaynayaa inaan la igala ashan oo aanan qayb ka ahayn bayaankan soo baxay iyo hadallada uu xambaarsanaa. Boosaaso dhibka soo gaaray xal iyo baaq nabadeed keliyaa u dan ah”.

“Cumar baan idiinka dacwooneynaa, Cumar ama dadka ku soo dara ama siyaasad dambe yuu ka hadlin, isagoo Prime Minister raadinaya yaan la arkin….” ayuu ka sheegay goob uu uga hadlayay arrimaha Boosaaso.

Bayaankaas uu sheegay in aan lagala tashan ayaa waxay ergadaa siyaasiyiinta ahi ku sheegeen in qododbadii talo soo jeedinta ahaa ee isimadu soo saareen aanay khusaynin ergadoodaas talona aanay ku lahayn, oo sidii ay ku ballameen, waa sida loo dhigaye, aan markii hore lala wadaagin ee ay qoraalkaa ku arkeen baraha bulshada oo aanu ahayn mid wax u taraya xasiloonida iyo wadajirka Puntland.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment