Ammaanka Nairobi oo si weyn loo adkeeyay cabsi laga qabo weeraro Shabaab fuliyaan

Bulsha:- Dowladda Kenya ayaa xoojisay amniga magaalada Nairobi, kaddib markii ay safaaradaha reer Galbeedku ay soo saareen digniin la xiriirta weerarro qorsheysan oo Al-Shabaab ay ka bartilmaameesadaan hotellada, goobaha gancsiga iyo waliba xarumaha dowladda.

Dowladda Kenya ayaa ciidamo boolis ah oo dheeraad ah geysay Hoteellada iyo goobaha muhiimka ah ee magaalada Nairobi.

Taliska ciidanka booliska Kenya ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri  “inay shacabka u xaqiijinayaan in ammaanka dalka lagu xoojiyay hawlgallo boolis oo kala duwan, Waxaan ku boorrineynaa dadweynaha inay feejignaadaan oo ay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo,”

Safaarada Faransiiska ayaa Khamiistii soo saartay fariin ku socota muwaadiniinteeda oo ay kaga digayso halista weerar ka dhaca Nairobi maalmaha soo socda. Waxay ku sheegtay shabakadeeda inay jirto “khatar dhab ah” oo ah meelaha ay ajaanibka tagaan, sida maqaayadaha, hoteelada iyo xarumaha laga dukaameysto, in la beegsado.

Safaaradda Jarmalka ee Nairobi ayaa soo saartay digniin taas la mid ah, halka howlgalka Holland uu sheegay in Faransiiska ay ku wargeliyeen khatarta suurtagalka ah, ayna u arkaan macluumaadka “mid lagu kalsoonaan karo”.

Kenya ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro ay fuliyeen kooxda Al-Shabaab oo ay uga aargoosanayeen ciidamadooda ay gudaha u soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011-kii, si ay uga hortagaan dagaalyahannada Al-Shabaab.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment