XOG: Guddoomiyaha Guddiga Doorashada oo lagu cadaadinayo inuu is-casilo iyo Guddiga oo ku qeybsan

Bulsha:- Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa lagu cadaadinayaa inuu xilka iska casilo, kadib markii ay xubno ka tirsan Guddiga ku eedeeyeen inuu kala qeybiyay Guddiga.

Arrintan ayaa soo baxday markii uu Cirro ku lug yeeshay qorshe lagu doonayay in looga hor yimaado xil ka qaadistii Ra’iisal wasaare Rooble ku sameeyay 7 xubnood oo ka mida Guddiga Xalinta khilaafaadka Doorashooyinka Dadban, kaasoo fashilmay.

Xubno ka tirsan Guddiga Doorashada Heer federaal ayaa Guddoomiye Cirro ka dalbaday inuu xilka iska casilo ama ay tallaabo qaadi doonaan, balse waxaa la sheegay inuu ka biyo diiday, taasookeentay in uu dhaqdhaqaaq ka dhex bilowdo Guddiga dhexdiisa.

Guddoomiye Cirro ayaa taageero ka heysta madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ka horjeeda xubno ka tirsan Guddiga oo ku dhow kala bar, waxaana si cad u soo shaac baxday khilaafka kala qeybiyey Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FIET oo hadda qarka u saaran inuu laba qeybood u kala jabo.


Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa inuu soo farageliyo khilaafka ka taagan guddoomiyenimada Guddiga Doorashada Heer Federaal, iyadoo aan la ogeyn inuu xilka ka qaadi doono iyo in kale.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment