Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble oo beeniyay in xilka laga qaaday General Odawaa

Bulsha:- Afhayeenka xukuumada federalka Maxamed Ibraahim Nuur ayaa beeniyay qoraal baraha bulshada la soo dhigey taasoo lagu qoray in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xilka ka qaaday taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage.

Qoraalka ayaa waxaa ku qoran inay soo baxday maanta dikteetada xilka qaadista isla markaana si kumeel gaar ah loogu magacaabay taliyaha ciidamada xoogga dalka General Cabaas Amiin Cali.


Afhayeenka xukumada ayaa soo dhigey bartiisa qoraal kooban oo tilmaamay inay tahay warqada been abuur “Huf iyo Been”.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment