Bulsha:- Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya waxaa Maanta soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda dalka Shiinaha Wang Yi oo booqasho rasmi ah uga bolaabatay.
Wafdiga waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Ra’iisul-wasaare-ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda dalka Itoobiya Demeke Mekonnen.
Wasiirka arrimaha dibadda dalka Shiinaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Itoobiya, waxaa la filayaa in uu kulammo la yeesho ra’iisul-wasaare-ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Demeke Mekonnen oo ay ka wada-hadli doonaan arrimaha labada dal iyo arrimo kale oo gobolka ah.
Itoobiya iyo dalka Shiinaha waxaa ka dhaxeeya xiriir diblomaasiyadeed, kaasi oo soo billowday tan iyo sannadkii 1970-meeyadii, ayaa haddana dib u xoojiyay xidhiidhka ganacsi, maalgashi iyo midka diblomaasiyadeed.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment