Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisciid Muuse oo kormeeray Terminal-ka Movcon

Bulsha:- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdisaciid Muuse Cali iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Durraan Axmed Faarax oo ay weheliyeen Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa kormeer ku tegey Terminal-ka Movcon ee Garoonka Aadan Cadde oo ay dhowaan xirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Masuuliyiinta ayaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Hawl-wadeennada Garoonka ka dhegeystay warbixin ku saabsan khaladaadkii shaqo, cabashooyinkii laga soo gudbiyey qaabkii uu u shaqayn jirey iyo siyaabaha baal marsan shuruucda dalka ee loo adeegsaday Terminal-ka.
Terminalkan ayaa waxaa isticmaali jirey oo ay gaar u ahayd shaqaalaha qaramada midoobay iyo safaaradaha wadamada shisheeye ee dalka Soomaaliya

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in ay wadahadal la geli doonaan dowlada Soomaaliya si ay uga wadahadlaan dib u furista terminalka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment