Wararkii ugu dambeeyey shirka Midowga Musharaxiinta iyo siyaasiyiin cusub oo ku biiray

Bulsha:- Shirarka xubnaha Golaha Midoga Musharaxiinta ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa maanta galay wajigiisi labaad, kaasi oo looga soo horjeedo hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka.

Musharaxiinta oo dhaliilsan hanaanka doorashada ayaa wajiga labaad shirkooda waxaa maanta ku biiray sida ay wararka sheegayaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Taliyihii hore ee hay’adda NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Shirarka Midowga Musharaxiinta ayaa diirada lagu saaraya sidii looga tashan lahaa qaab dhismeedka Gole cusub oo ay yeelan doonaan, kaasi oo looga hortagayo waxa ay ugu yeereen “doorasho boobka socda”.

Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale la filayaa inay bilaabi doonan kacdoon lamid ah midkii Badbaado Qaran, ee looga takhalusay muddo kororsigii sharci darada ahaa ee loo sameeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.


Si kastaba, arrimahan oo dhan ayaa imanaya xili ay Midowga Musharrixiinta si adag u qaadaceen doorashooyinka ka socda dalka, kuwaasi oo sida ay sheegen u dhacay hanaan baalmarsan midkii lagu heshiiyay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment