Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Boosaaso

Bulsha:- Magaaladda Boosaaso ayaa waagu ugu beryey sawaxanka rasaas ka dhacaysay hubka culus, waxaana meesha ka baxday xabbad-joojintii ay shalay ku baaqeen maamulka Puntland.

Abaarihii 11:45 daqiiqo ee habeenimadii xalay ayaa waxaa bilowday dagaal aad u culus oo u dhexeeyay ciidamadda Puntland iyo kuwa PSF ee daacadda u ah Jeneraal Maxamuud Cismaan Diyaano, wuxuuna dagaalkaasi si iskiis ah u istaagay 7-dii subaxnimo ee saaka. Xaalada ayaa hadda degan.

Dagaalkan ayaa u muuqday mid ka xoog weynaa dagaaladii horay u dhacayay, waxayna labada dhinac isu adeegsadeen hub kala duwan oo ay heli kareen. Daryanka iyo sawaxanka madaafiicda iyo rasaasta ayaa xalay oo dhan laga maqlayey gudaha magaaladda, kuwaasoo hurdada u diiday dadweynaha ku dhaqan Boosaaso.

Wararka aan ka heleyno goobihii lagu dagaalamay ayaa sheegaya in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac hor leh oo daad guranayo goobaha caafimaadka Boosaaso, waxaana tirada dhimashadu maraysaa 19 qof iyo ku dhawaad 80 qof oo dhaawac ah oo isugu jira askar iyo shacab, sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha goobaha caafimaadka Boosaaso.

Dadweynaha ku dhaqan magaaladda Boosaaso ayaa qaarkood waxaa soo wajahay barakac hor leh, iyadoo xaafadaha magaaladda qaybo ka mid ahina ay sheegayaan inay ka go’een biyihii iyo korontadii. Waxaa jira hoobiyaal ku dhacay guryo ka mid ah xaafadaha Boosaaso oo ay dad ku dhinteen.

Dhinaca kale qoraal maanta ka soo baxay xarunta madaxtooyadda Puntland ayaa lagu eedeeyey in Jeneraal Maxamuud Cismaan Diyaano uu hurinayo colaadda ka aloosan magaaladda Boosaaso, balse waxaa dhinaca kale lagu sheegay in dowladda Puntland ay wakhti siineyso dadaaladda loogu jiro sugida nabaddelyada iyo si nabad ah ay u qabsoonto xil-wareejintii uu madaxweynaha Puntland ugu magacaabay agaasimaha hay’adda PSF Sarreeye Guuto Aamiin Xaaji Kheyr.

Sidoo kale qoraal dhinaca ciidamada PSF ka soo baxayna waxay eedeyn ugu jeediyeen xubnaha ka tirsan golaha Wasiiradda Puntland ee ku sugan Boosaaso inay sii hurinayaan colaada iyo barakicinta shacabka.

Qoraalka PSF ayaa lagu sheegay in ku sugan yihiin xaruntoodii ayna is difaacayaan.


Shalay ayay ahayd markii Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan uu ku baaqay in xabbada la joojiyo, waxaana jiray Isimo iyo waxgard kale oo dhexda u xirtay inay joojiyaan dagaal danbe oo ka dhaca magaaladda, waxaana mar kale Puntland sheegtay in ay wadahadallada nabaddu sii socdaan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment