Wararkii ugu dambeeyay Turkiga oo siinaya Soomaaliya diyaaradaha droneska

Bulsha:- Dowlada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wararka sheegaya in dowlada Tukriga ay siineyso diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn dowlada Soomaaliya.

Mucaaradka dowlada Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dowlada Soomaaliya in loo tababarayo ciidamo adeegsada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan droneska.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhawaan sheegay inay yaalaan diyaaradahaas garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee dowlada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay eedeyntan ayaa beenisay in codsatay in la siiyo diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn.

Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa beeniyay wararka sheegayo in Turkiga uu Soomaaliya u siinayo diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Drones-ka.

“Maya, anigu kuu xaqiijin maayo taas, warkaasna ma jiro” ayuu yiri Cabdirashiid Maxmed oo wareysi siiyay BBC-da.

Wuxuu sheegay in Turkiga uu Soomaaliya ka caawinayo dib u dhiska ciidamada iyo la dagaalanka kooxda Al Shabaab.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment