Warar ku soo kordhay xaaladda magaalada Boosaaso oo ciidamada Saciid Deni ay…

Bulsha:- Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari wararka naga soo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in Puntland Ciidamo farabadan ku daadiaay waddooyinka Magaalada, iyada oo aan weli xal laga gaarin xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii Agaasimaha Hay’adda PSF.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Ciidamada ammaanka inta badan waddooyinka muhiimka ah la dhigay, isla markaana baaritaano gaadiidka iyo mid dadweynaha ah sameeynaya.

Ciidamadaan Maamulka Puntland uu dhigay waddooyinka Boosaaso ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay howlgalka ay wadaan isku socodka dadka iyo Gaadiidka walow aysan jirin waddooyin ay xireen balse kaliya ay wadaan baaritaano.

Qaar kamid ah Bulshada Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay sheegeen in maalmihii la soo dhaafay ay cabsi dareemeen balse haatan xaaladda Magaalada ay tahay mid degan oo dadku si caadi ah u Shaqeeysanayaan.


Odayaasha Dhaqanka Magaalada Boosaaso ayaa waday dadaalo xal raadin balse waxaa weli jirin wada-hadallo rasmi ah oo dhexmaray Saraakiisha Ciidamada PSF-ta Puntland iyo Xukuumadda Madaxweynaha Saciid Cabdullaahi Deni.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment