Somaliland oo heshiis ku kacaya malaayiin dollar la gashay dal aan laga fileyn

Bulsha:- Somaliland ayaa heshiis cusub oo dhanka caafimaadka ah, isla-markaana ku kacaya malaayin dollar la gashay Hindiya, taas oo aan laga fileyn dalkan, maadaama uusan xiriir xoogan la laheyn Somaliland.

Heshiiskan waxa Somaliland ay si gaar ah ula gashay isbitaalada Deepam Hospitals ee ku yaala magaalada Channai ee gobolka Tamil Nadu, waxaana u saxiixay madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, Cabdiraxmaan Saylici oo haatan booqasho ku joogo dalka Hindiya.

War laga sii daayey Telefashinka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in lacagtaasi lagu dhisi doono isbitaal casri ah oo laga hirgeinayo Somaliland.

“Maxdaxweyne ku xigeenku isagoo sii anba qaadaya safarkiisa shaqo wuxuu heshiis maalgashi la saxiixday mid ka mida cusbitaallada ugu waaweyn dalka Hindiya kuwaas oo dalka ka dhisi doona cusbitaal ku kacaya $100,000,000 million (100 million) oo dollar”.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi kusii daraya “Heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa madaxda ugu sarreysa cusbitaalka, Wasiirro iyo saddex bangi oo waaweyn oo ku yaal dalweynaha Hindiya”.


Hindiya ayaa ka mid ah dalalka ugu horreeya xagga caafimaadka, waxaana dalkaasi arrimo caafimaad u aada dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan koonfurta iyo waqooyiga dalka.

Si kastaba, Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyey wadday dadaallo xoogan oo ay ku hormarineyso xiriirkeeda dibadda, iyada oo horay iskaashi ula yeelatay Taiwan, kaas oo ay si weyn uga hadleen,kana horyimaadeen dowladda federaalka iyo sidoo kale mida Shiinaha.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment