Shirkadda Twitter oo yeelatay maamul cusub soona saartay amaro culus

Bulsha:- 


Shirkadda Twitter yaa ku dhawaaqday balaarinta siyaasaddeeda macluumaadka gaarka ah iyadoo mamnuucday wadaaga sawirada gaarka ah iyo fiidiyowyada dadka ogolaansho la’aan.

Haddii aad isticmaashid sawir ama muuqaal video ah amar la’aan qofkii soo geliyay twitterka uuna qofkaa ku dacwad kaa gudbiyo shirkaduu waxa ay kaa tirtiraysaa sawirka ama muuqaalka aad fasax la’aanta isticmaashay.

Arrintan ayaa qeyb ka ah isbedel lagu sameynayo habka uu u shaqeeyo Twitterka kadib markii uu is casilay madaxii hore ee shirkadda.

Isticmaalayaasha ku xad gudba xeerka cusub waxa laga yaabaa in si joogto ah loo mamnuuco.
Xeerka lagu daray waxa u dheer siyaasadda macluumaadka gaarka ah ee jirta oo mamnuucaysa wadaagga macluumaadka gaarka ah ee dadka, sida lambarrada taleefannada, ciwaannada, iyo aqoonsiga.

“Waxaa jira walaac isa soo taraya oo ku saabsan si xun u isticmaalka warbaahinta iyo macluumaadka aan laga helin meelo kale oo online ah oo ah qalab lagu dhibaateeyo, lagu cabsi geliyo, laguna muujiyo aqoonsiga shakhsiyaadka,” ayuu soo qoray Twitter.

“Wadaagista warbaahinta gaarka ah, sida sawiro ama muuqaalo, waxay ku xad-gudbi kartaa sirta qofka, waxayna u horseedi kartaa dhaawac maskaxeed ama jireed.”ayaa lagu yiri warbixinta.


Parag Agrawal, oo 45 jir ah, ayaa loo magacaabay maamulaha cusub shirkadda Twitterka,maalin kadib markii maamulaha guud Jack Dorsey uu ku dhawaaqay inuu ka tagayo Twitter-ka. Parag Agrawal,ayaa ahaa madaxa tignoolajiyada ee shirkadda tan iyo 2017.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment