Qorshaha Villa Soomaaliya & Shirqoolka Siyaasadeed Ee Baydhabo lagu dejinayo

Bulsha:- Madaxtooyada Soomaaliya ayaa adeegsatay falsafad cajiib ah kadib markii loo xilsaaray madaxweynaha koonfur galbeed qidad cusuboo dhanka siyaasada ah.

Munaasabada lagu maamuusayo xuska sanad guurada 3aad ee markii la doortay Madaxweyne Lafta gareen ayaa caawa lagu qabanayaa magaalada Baydhabo Janaay.

Lafta gareen ayaa ah siyaasi xiddig ka noqday Nabad iyo nolol marka loo eego sida dhul seexashada leh uu kusoo galay dhinacyo xisbigaasi la dagaashanaa.

Villa Soomaaliya ayaa kaga faa’iideysaneysa xuska lafta gareen ee baydhabo ka dhaceysa in lagu kala saxiixdo xildhibaanada doorashada iyo arimaheeda.

Siciid Deni iyo xubno ka ag dhaw ayaa sheegay in ay jiraan qorshe Lafta gareen uu damacsan yahay balse ay dhuuxi doonaa waxa lala hor yimaado.

Maalmo ka hor lafta gareen ayaa heshiis gaar ah lasoo galay Axmed Madoobe madaxweynaha Jubbaland,hadana Siciid Deni oo madaxweynaha Soomaaliya inuu isku sharaxo doonaya ayaa laga shukaaminayaa shuraako siyaasadeed oo dhanka xildhibaanada golaha shacabka ah ee Puntland ka imaanaya.

Hore Farmaajo waxa uu ugu tashanayey Xildhibaanada Gobollada wuqooyi,Kuwa Banaadiriga,Xildhibaanada ka imaanaya K/Galbeed,Hirshabelle iyo Galmudug,labadii Maamul ee dagaalka kala dhaxeeyey Puntland & Jubbaland ayaa iyaguna hadda la doonayaa in lasoo xero geliyo.

Inkastoo waxa la adeegsanayo yihiin siyaasad hadana lacag iyo xeelad la dejinayo ayaa lagu kala adkaan doonaa,balse rajo ahaan dib udoorashadiisa Farmaajo ayaa ah mid aad usareysa.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment