Puntland oo war rasmi ah kasoo saartay ‘kaalinta’ Villa Somalia ee xiisadda Boosaaso

Bulsha:- Gudiga Amniga Gobolka Bari, ayaa ku eedeeyay Dowladda Soomaaliya inay kaalin ku leedahay xiisadda ka taagan Boosaaso, iyadoo isku dayaysa inay xasilooni darro ka abuurta Puntland.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Axmed [Abwaan], oo shir gudoomiyay kulanka Gudiga Amniga, ayaa la hadlay warbaahinta, isagoo sheegay in laga billaabayo magaaladda howlgal lagula dagaalamayo cadowga Puntland.

Wuxuu Gudoomiyaha intaasi ku darey inay si dhaw ula socdaan dhaq-dhaqaaqa shaqsiyaad gacan-saar la leh Villa Somalia oo hurinaya xiisadda Boosaaso, iyagoo doonaya inuu dagaal ka dhaco, oo xaaladda faraha dowladda Puntland ka baxdo.

“Ciidamada amniga waxay tallaabo ka qaadi doonaan cid walba oo wada falal lidi ku ah amniga iyo kuwa dowladda Federaalka maalgelisay ee qal-qal gelinta kawada Boosaaso,” ayuu yiri Abwaan.

Waxa uu Abwaan ugu baaqey shacabka inay ka feejignaanaadaan kuwa kicinta wada, ee dadka guryahaha ku garaacaya, ee kula talinaya inay guryahooda ka cararaan, iyadoo ku cabsi-gelinaya in dagaal uu ka dhacayo magaaladda.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dagaal dhanka baraha bulshadda ah lagu soo qaadey Puntland, oo lagu doonayo in wax loogu dhimo xasiloonida siyaasadeed iyo mida amni ee ka jirta Maamulka.

Abwaan ayaa xusay in xaaladda Boosaaso ay degan tahay, islamarkaana murankii ka taagnaa hogaanka PSF-ta lagu dhameyn doono wadahadal, islamarkaana wax walba is-faham iyo sharciga lagu dhameyn doono, oo aana dhici doono dagaal.


Xiisadda Boosaaso ayaa timid kadib markii Deni uu Todobaadkii hore xilka ka qaadey Agaasimihii PSF-ta Maxamuud Cismaan Diyaanno, kaaso kahor-yimid digreetada Madaxweyne.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment